WARARKA SOOMAALI

Xasan sheikh oo u quus gooyey siyaasiyiintii Nairobi mooshinka kawaday & fadeexada kudhacday +VIDEO

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud oo ku sugan magaalada Ankara ee dalka Turkiga ayaa ugu baaqay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya inay waqti siiyaan dowladda Soomaaliya.

Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sheegay inuu aad ula dhacsan yahay sida hadda wax u socdaan, wuxuuna sheegay in dowladdanimada aysan aheyn hal ruux oo shaqeeya oo kaliya balse loo baahan yahay in si wadajir ah loo shaqeeyo.

“Waxaa wanaagsan in waqti la siiyo madaxda dalka Soomaaliya”ayuu yiri Xasan Sheikh isago oo la hadlayay qaar kamid ah wariyaasha Soomaaliyeed oo ku booqday guri uu ka degen yahay magaalada Ankara.

Xildhibaano badan oo ku shiray magaalada Nairobi ayaa maalmo ka hor shaaciyay inay mucaarad cusub yihiin, waxaana loo maleynayaa inay ka dambeeyaan madax kale.

HALKAN DAAWO 

SOMALI NEWS

To Top