WARARKA SOOMAALI

Xasan Sheekh oo tagay Jabuuti kana qeyb galay Shirka Madaxda IGAD

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay ka dhoofay Garoonka diyaaradaha Aadan ee magaalada caasimadda ee Muqdisho, iyagoo gaaray dalka Jabuuti.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa magaalada Jabuuti ee caasimadda Jamhuuriyadda Jabuuti, kaga qayb galayo kulanka 41-aad ee aan caadiga ahayn ee Madaxda Urur goboleedka IGAD, oo Maanta ka furmaya dalkaasi.

Madaxda dalalka ku mideysan Ururka IGAD ayaa muddo hal maalin ah oo shirku socanayo waxa ay kaga arrinsanayaan dhammeystirka dadaallada lagu xasilinayo waddamada Gobolka iyo xoojinta iskaashiga ka dhaxeeya dalalka ku mideysan IGAD.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la wadaagi doona Madaxda dalalka IGAD, aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku saleysan xoojinta iskaashiga, wax wada-qabsiga iyo guulaha dowladda ka gaartay dagaalka Al Shabaab, qaadista cunaqabateynta hubka iyo arrimo kale.

Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud hoggaamiyo ayaa wada dedaalo badan ay ku dooneyso in Al Shabaab dalka ka saarto, si ciidamada qalabka sida si buuxda ula wareegaan ammaanka guud ee dalka.

Xasan Sheekh oo tagay Jabuuti kana qeyb galay Shirka Madaxda IGAD
To Top