WARARKA SOOMAALI

Xasan Sheekh oo fariin u diray Dowladdo ku taageeray Codkooda Somalia

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay munaasabad loogu mahad celinayay dowladihii codkooda ku taageeray go’aankii taariikhiga ahaa ee Golaha ammaanka Qaramada midoobay ay Cuna-qabataynta hubka uga qaadeen dalka, taasi oo saarnayd muddo ka badan 32 sano.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo uga mahad celiyay dhammaan dowladihii taageeray go’aankan, garab istaagga ay u muujiyeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ayaa dul istaagay halgankii dheeraa ee loosoo galay gaaridda guushan dhaxal galka ah, ahmiyadda go’aankani u leeyahay xaqiijinta Soomaaliya xor ka ah argagixiso iyo qorshaha dowladda ee ilaalinta Hubka.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale ku bogaadiyay madaxdii iyo hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ka qayb qaatay gaaridda natiijadan muhiimka ah.

Wuxuu xusay in dowladdu ay si dhammeystiran u qaadanayso mas’uuliyadda ilaalinta Hubka iyo in aan loo adeegsan wax ka baxsan xoreynta dalka iyo difaaca Qaranka.

Dhawaan ayey aheyd markii Golaha ammaanka Qaramada midoobay ay Soomaaliya ka qaadeen Cuna-qabataynta hubka oo dalka saarneyd tan iyo sanadkii 1992.

Xasan Sheekh oo fariin u diray Dowladdo ku taageeray Codkooda Somalia
To Top