WARARKA SOOMAALI

Xasan Sheekh oo shaaciyay caqabad heysata qabsoomida Doorashada

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Musharax Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Shirka Madasha Aragti-Wadaagga ee ka socad Magaalada Garoowe, isagoo ka hadlay xaaladda dalka.

Xasan Sheekh ayaa waxaa uu sheegay in Madaxda dowladda iyo dowlad Goboleedyada dalka ay heshiiskii ka gaareen doorashada dalka, hayeeshee haatan la isku haayo heshiiskii laga gaaray dhaqan-gelintiisa.

Musharax Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Madaxda ugu baaqay in mar kale ay shir wadatashi ah isugu yimaadan, si loo xaliyo tabashooyinka ka jira doorashada dalka ka dhaceysa oo weli muran xoogan uu ka taagan yahay.

Sidoo kale Madaxweynihii hore ee SOomaaliya ayaa tilmaamay inuu aminsan yahay in caqli kale uu Madaxda dowladda  Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada dalka uu kusoo kordhin doono, isla markaana muhiim ay tahay in mar kale la wada hadlo.

Hadalka Xasan Sheekh ayaaa waxaa uu kusoo aadaya, iyadoo weli muran xoogan uu ka taagan doorashada dalka gaar ahaan Guddiyada la magacaabay oo Musharaxiinta Madaxweynaha iyo maamulada Puntland iyo Jubbaland ay kasoo horjeedan Guddigaas.

SOMALI NEWS

To Top