WARARKA SOOMAALI

Xasan Sheekh oo Qoraal xasaasi ah kasoo saaray Shirka Doorashada

Qoraal uu soo saaray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayuu ku baaqay in shirka ka socda Muqdisho uu si degdeg ah u gaaro go’aamo suurtagelinaya in moddo kooban uu dalku ku aado doorasho xor iyo xalaal ah oo la isku raacsan yahay hannaanka maamulkeeda.

Xasan Sheekh oo ka mid ah Musharaxiinta xilka Madaxweynaha ayaa soo dhoweeyay shirka Madasha Qaran waxana uu sheegay in dowladnimadeennu ay maanta ku jirto xaalad halis ah oo u baahan in loo wada istaago lagana badbaadiyo burbur hor leh.

Hoos ka Akhriso war-saxaafadeedka.

Muqdisho, 23ka Maajo 2021: Waxaan soo dhaweynayaa shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee doorashooyinka ee Muqdisho ka furmay aniga oo u rajeynaya guul iyo in ay ka soo baxaan natiijooyin wax ku ool ah.

Sooyaalka siyaasadda dalkeena waxa uu na barayaa in wadahadal kasta oo niyad-wanaag ku saleysan uu dhaliyo natiijo ay dadkeennu ku diirsadaan. Waxaan saamileyda siyaasadda, qeybaha kala duwan ee bulshada iyo saaxiibada Soomaaliya ugu baaqayaa inay door ka qaataan sidii uu shirku ku guuleysan lahaa.

Heshiis wadar oggol ah oo laga gaaro maamulka doorashooyinka waqtigooda dhaafay waxay ummadda Soomaaliyeed u leedahay muhiimmad weyn oo ku qotonta jiritaanka dalkeena iyo wax la qeybsiga dunida asaaggeena ah.

SOMALI NEWS

To Top