WARARKA SOOMAALI

Xasan Sheekh iyo Xamse Barre oo Dhambaal u diray Shacabka Somaliyeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo shir jaraa’id qabtay ayaa ka hadlay guusha taariikhiga ah ee u soo hoyday dalka, ka dib markii Hay’adda Dhaqaalaha Adduunka ee IMF iyo Bankiga Adduunka ay shaaciyeen in dalka laga cafiyay deymaha.

Madaxweynaha oo u hambaliyeeyay Shacabka Soomaaliyeed ayaa yiri: “Waxaan ummadda Soomaaliyeed ugu mahad-naqaya dadaalka ay sameeyeen si nagala cafiyo deyntii muddada dheer so daba taagneyd”.

Madaxweynaha ayaa ka sheekeeyay heerarkii uu soo maray barnaamijka deyn cafinta, kaasoo qaatay muddo toban sano ah, iyadoo madaxdii kala dambeysay ee dalka soo martay ay la shaqeynayeen shacabka ilaa dadaalkaasi maanta guul laga gaaray.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha Soomaalia Xamse Cabdi Barre ayaa hoosta ka xarriiqay in Soomaaliya ay ka baxday liiska waddamada qaamaysan, taas oo horseedi doonta in dalkeenna iyo dadkeenna la aamino, isla markaana aan helno soo jiidashada maalgashadayaal caalami ah, Horumar dhaqaale, isku filnaansho amni, adeeg bulsho oo horumarsan iyo rajo u abuuridda dhallinyarada Soomaaliyeed.

Xamsa Cabdi Barre, ayaa xusay in ay ummadda Soomaaliyeed u tahay habeen guul ku suntan, maadaama laga cafiyey deyntii horumarka ka hortaagnayd dalka, taas oo ku timid shaqo adag oo ay soo qabteen dowladihii kala danbeeyey iyo dowladda maanta dalka hoggaamisa.

Mudane Xamsa ayaa uga mahadceliyey cid walba kaalintii ay ka soo qaadatay guusha Soomaaliya looga cafiyey deynta oo soo martay marxalado kala duwan, tan iyo sanadkii 2012.

Xasan Sheekh iyo Xamse Barre oo Dhambaal u diray Shacabka Somaliyeed
To Top