WARARKA SOOMAALI

Somalia oo gebi ahaan laga Cafiyay Lacagihii Deymaha ahaa ee lagu lahaa

Bangiga Adduunka iyo Hay’adda Lacagta adduunka ee IMF ayaa si wadajir ah ugu dhawaaqay in Soomaaliya laga cafiyey lacagihii deymaha ahaa ee lagu lahaa sanado badan kaddib dadaallo sanado socday iyo shuruudo badan oo Soomaaliya ka soo gudubtay.

War-saxaafadeed ay si wada jir ah u soo saareen hay’adda lacagta aduunka ee IMF iyo bankiga aduunka, ayaa lagu sheegay in la ansixiyey cafinta deynta lagu leeyahay Soomaaliya, taas oo dhan $4.5 bilyan oo doolar

“Cafintan deynta ayaa fududeyn doonta helitaanka ilo dhaqaale oo dheeri ah oo muhiim ah kuwaas oo ka caawin doona Soomaaliya xoojinta dhaqaalaheeda, yareynta faqriga, korna u qaadi doona shaqo abuurka” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka.

Barnaamijka geediga deyn cafinta Soomaaliya ayaa soo billowday sannadkii 2012 inkasta oo si rasmi ah uu usoo bilowday sanadkii 2016 Waxaana ay tallaabadaani ka dhigan tahay guushii 3aad ee Soomaaliya ka gaartay caqabidihii ku horgudbanaa dowlad dhiska iyo madax bannaanida

Dhowaan dowladdu waxay ku guuleystay in dalka laga qaado Cunaqabateyntii hubka ee saarneed 31 ka sano isla markaana ay xubin buuxda ka noqotay Soomaaliya Ururka iskaashiga Dhaqaalaha Bulshada Bariga Afrika.

Somalia oo gebi ahaan laga Cafiyay Lacagihii Deymaha ahaa ee lagu lahaa
To Top