WARARKA SOOMAALI

Xasan Cali Khayre oo la kulmay Madaxweynaha Galmudug.

Muqdisho ( HM) Raysalwasaarihii hore Soomaaliya , Hadana ah  Musharax Madaxweyne Xassan Cali Kheyre ayaa la kulmay Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( QoorQoor ).

Kulankooda waxay diirada ku saareen xaaladihii ugu dambeeyay dalka, deegaanada Galmudug, Waxyaabaha u Qabsoomay Hogaanka Cusub ee Galmudug iyo Weliba Arinta Doorashada..

“Waxaan xalay kulan midho dhal ah la qaatay madaxweynaha dowlad goboleedka  Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye Waxaan ka wada hadalnay arrimaha doorashada iyo kaalinta Galmudug.

“Sidoo kale waxaan isla eegnay howlaha u qabsoomay Galmudugta loo dhan yahay iyo waxyaabaha horyaalla maamulkiisa” ayuu yidhi Xasan Cali Khayre.

Khayre ayaa lagu xasuustaa Dedaalkii iyo Wakhtigii Badnaa ee Xukuumadiisu ay gelisay dhismaha Iyo Wadajirka maamulka Galmudug, oo hada door wayn oo siyaasadeed ku dhex leh guud ahaanba dalka.

Qoor-qoor ayaa sidoo kale wuxuu kamid ahaa Xukuumadii uu horay usoo dhisay Raysal wasaare Xasan Khayre.

Magaalada Muqdisho waxaa Weli ku sugan madaxda maamulada dalka oo  Baarlamaanka doonaya inay ku Qanciyaan inay meelmariyaan Heshiiskii la gaadhay, Waxaana Saacadihii lasoo dhaafay kulamo Arintaasi looga hadlayo ay ka dhaceen magaalada Muqdisho.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top