WARARKA SOOMAALI

Xasan Cali Khayre oo goordhow ku dhawaaqay inuu yahay Musharax Madaxweynaha Soomaaliya-Akhriso

Muqdisho (HM)-Ra’iisul Wasaarihii hore ee Somaliya Xasan Cali Khayre ayaa goor dhow ku dhowaaqay inuu yahay musharax u taagan xilka Madaxweynaha Somaliya doorashada lagu wado inay ka dhacdo dalka Soomaaliya.

Xasan Cali Kheyre ayaa warkan uu soo saaray waxa uu yahay kii ugu horeeyay ee uu ugaga hadlo mustaqbalkiisa dhinaca siyaasada ah tan iyo markii kalsoonida ay kala noqdeen qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.

Hoos ka akhriso qoraal uu goor dhow soo saaray

Bismillah,

”Walaalayaal, waxaan shaki ku jirin in labaatankii sano ee la soo dhaafay ay dawlanimadeennu hore u socotay, tallaabadeeduba ha gaabnaatee. Muddo xileedkii 5aad ee geeddi socodkaas, ummadda Soomaliyeed waxaan ugu soo adeegay mas’uuliyad Ra’iisul Wasaare. Xilkaas oo waxna lagu soo qabtay, Alle mahadii waxna laga soo bartay.

Hadda oo la sugayo hannaan loogu gudbo muddo xileed cusub ee dowladda Somaliyeed, waxaan fikir iyo talo wadaag dheer kaddib halkan idinkula wadaagayaa Musharaxnimadayda jagada Madaxwaynaha JFS. Anigoo si dhab ah u fahamsan fursadaha iyo caqabadaha la xiriira hoggaaminta iyo waxqabadka dalkeennu u baahan yahay maanta iyo mustaqbalkaba, waxaan markale isu soo qaddimayaa in aan dadkayga ugu adeego si ay ku dheehan tahay karti, hufnaan iyo daacadnimo,,.

Mahadsanidiin

SOMALI NEWS

To Top