Wararka naga soo gaadhayaa deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool ayaa waxay sheegeen in Weerar Qorshaysan lala eegtay Fadhiisimada Ciidanka Somaliland ay dhowaan Halkaasi ka samaysteen, Iyadoona Saaka Xili hore dadka deegaanku ay ku Waabiriisteen Rasaas xoogan oo dhacaysa.
Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya sida ay wax u dhaceen, Waxaana Wararka qaar ay sheegayaan in Weerarka ay Fulisay Jabhad la magac baxday Xoraynta deegaanada SSC oo uu Hogaamiyo Faysal Falaalug.
Wariye ku sugan Laascaanood oo la xidhiidhay Saraakiisha Ciidanka Puntland oo uu wax ka waydiiyey Xiisada saaka ka cusub deegaanka ayay u sheegeen inay Moodayeen Rasaas la tijaabinayo oo warba aysan ka haynin.
Ciidamada somaliland ayaa ku sugan meel udhaxysa Godqaboobe iyo Boocame oo ka tirsan gobolka sool, Kadib markii ay dhowaan Tukaraq ka qabsadeen ciidamo ka tirsan Puntland.
Dadka degaanka oo Warbaahinta la hadlay waxay sheegeen inay maqlayaan hub culculus oo ay labad dhinac iswaydaarsanayaan, Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaasi.
Puntland iyo Somaliland ayaa mudooyinkii udanbysay isku horfadhiyay jiidaha gobolka sool, iyadoona labada dhinac uu midkastaaba uusoo dhoobay ciidamo tirabadan, Sidoo kalana waxaa deegaano Hoosyimaada degmada Boocame ku sugan Ciidamo ka tirsan Jabhada Xoraynta SSC.