WARARKA SOOMAALI

Xaaladda Deegaanka Tukaraq oo maanta deggan iyo Ciidamadii oo weli isku hor fadhiya goobihii Dagaalka-Akhriso

Muqdisho (Horufadhi News)-Xaalad degenaansho ayaa laga soo sheegayaa deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool, halkaasoo maalintii shalay uu ka dhacay dagaal culus oo u dhaxeeyay Ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland.

Dagaalkii shalay ayaa ahaa kii ugu khasaare badnaa ee ka dhaca deegaankaas muddooyinkan, intii ay is hor-fadhiyeen Ciidamada labada dhinac.

Saraakiisha labada dhinac ayaa guulo ka kala sheegtay dagaalka, inkastoo aanay jirin warar ka madax banaan sheegashadooda.

Ciidamada Somaliland iyo Puntland ayaa wali isku hor-fadhiya aagaga dagaal ee deegaanka Tukaraq, waxaana xilli kasta la filan karaa in dagaalka uu dib u qarxo.

Waxaa aad u yar dadaalada waan waan ee lagu xalinayo colaada u dhaxeysa labada dhinac, waxaana jiray baaqyo si is-daba joog ah uga soo baxayay waxgaradka, siyaasiyiinta, Beeshaca Calaamka iyo madaxda oo lagu dalbanayay in la joojiyo dagaalka

Maamulada Puntland iyo Somaliland ayaa u dhaxeysaa colaad soo jireen ah oo salka ku heysa deegaanada Sool iyo Sanaag oo labada maamul uu mid walba sheeganayo lahaanshaha deegaanadaas, kana tirsan tahay maamulkiisa.

Wixii warar kasoo baxa Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top