WARARKA SOOMAALI

Wiil afartan Habeen dhallan iyo Walaashii oo Daad ku dilay Magaalada Hargeysa-Akhriso

Wiil yar oo afartan habeen jiray iyo gabadh ay walaalo yihiin oo 2 sano jirtay ayuu xalay daad ku dilay magaalada Hargeysa.

Labada carruurta ah iyo hooyadood oo ku sugnaa gurigooda oo sandaqad ahaa ayuu ku soo rogmaday daad xoog badan.

Arrintaas ayaa ka dhacday xaafadda Qudhac-dheer ee Koonfurta-bari ee magaalada Hargeysa.

Taliyaha guud ee ciidanka booliiska Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madaxbannaanida ee Somaliland general Cabdullaahi Fadal Iimaan oo hogaaminayay ciidan u gurmaday goobtaasi ayaa BBC u sheegay in la soo badbaadiyay hooyada dhashay caruurrta, haddana lagu dabiibayo Isbitaal.

Aabaha dhalay carruurta geeriyootay Axmed Qorane ayaa warbaahinta u sheegay in gurigan sandaqada ah uu qoyskiisu soo degay laba maalmood ka hor uuna u dhawyahay doox.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo xalayba markiiba tegay goobta shilku ka dhacay ayaa u tacsiyeeyay qoyska, aabaha ay masiibadani ku dhacday ayuuna u badallan qaaday in ay dawlladdu garab istaagi doonto.

Roobabka guga oo maalmahanba aad uga da’aya deegaanno badan ayaa soo roga daad xoog leh.

Waxaa jira warar kale oo sheegaya in ay jiraan dad kale oo laga soo badbaadiyay daadaq qaaday.

SOMALI NEWS

To Top