WARARKA SOOMAALI

Wasaaradda Caafimaadka oo shaacisay kiisas farabadan oo ah COVID-19

Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in la diiwaan geliyay 244 xaalado cusub oo COVID-19 ah 24-kii saac ee la soo dhaafay, 18 qof ayaana u geeriyootay, waxaana ka bogsatay 61 ruux.

Warbixinta maalinla ah ee Wasaaradda Caafimaadka ee xogta Feyruska Karoona, ayaa lagu sheegay in xaaladaha cusub laga diiwaan galiyey Puntland (152), gobolka Bamaadir (29), Somaliland (45), Jubbaland (7), Galmudug (3), Koonfur Galbeed (2), iyo Hirshabeelle (6) qof, 153 ka mid ah bukaannada la xaqiijiyay in laga helay feyras Karoona waa rag, halka 61-na ay yihiin haween.

Guud ahaan Tirada xaaladaha COVID-19, ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 9,190, waxaa bogsootay xanuunka 4, 230 Ruux. guud ahaan 367 ruux ayaana u geeriyootay.

Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqday inay qaatan tallooyinka Caafimaad ee loo jeedinayo, si looga fogaado wax kasta oo keeni kara faafida Cudurka COVID-19.

SOMALI NEWS

To Top