WARARKA SOOMAALI

Dhageysiga Dacwadda Badda oo Maanta ka bilaabaneysa Magaalada Hague

Waxaa maanta oo Isniin ah la filaya in magaalada The Hague ee dalka Nederland ka furanto dacwadda muran xudeedka Badda ee u dhexeeysa dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Kenya .

Dacwaddan oo soo jiitameysay mudda 10 sano ah ayaa maxkamadda ICJ ay ku dhawaaqday bilawgii bishaan in sikama dambeysay ah dacwadda loo qaadayo 15 March

Galabta xilliga geeska Afrika markey saacadda tahay 5:00 Pm ayeey si toos ah u furmi doonta dacwadda , iyadoo xarunta The Hague ay ku sugan yihiin qareenada Soomaaliya ee difaacaya Badda .

Dowladda Kenya ayaa shalay sheegtay in aysan soo xaadiri doonin dhageysiga fadhiga Maxkamadda Cadaalada aduunka ee ICJ , iyadoo eedeyn u soo jeedisay garsoore Abdul Qawi oo ah muwaadin Soomaaliyeed.

Dacwadda ayaana maanta noqon doonta mid dhinac kaliya ay dhageysato Maxkamadda cadaaladd Adduunka ICJ. Aqoonyahanada dhanka sharciga ayaa sheegay in aysan xeerarka iyo shuruucda ICJ aysan ku jirin in garsoore lagu eedeyn karo in dowlad uu la jiro.

SOMALI NEWS

To Top