WARARKA SOOMAALI

Wariye Caan ah oo la khaarijiyay iyo Madaxweyne Deni oo si Deg-deg u…

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa kooxo hubeysan oo xalay gudaha Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ku dilay Wariye hore oo ahaa rugcadaa saxaaafadeed oo laga yaqaanay deegaanada Puntland.

Dabley hubaysan ayaa marxuumka ku toogtay goob Ganacsi oo uu ku lahaa xaafadda Siinaay ee waqooyiga Gaalkacyo dhinaca Puntland, isagoo u rasaas ooda looga qaaday, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Booliiska Gobolka Mudug.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Wriye Jamaal Faarax Aaden, waxaana rasaasta lagu weeraray ku dhaawacmay nin kale oo la joogay, kaas oo haatan lagu dabiibayo isbitaalka Magaalada Gaalkacyo.

Wararka ayaa intaas ayaa waxaa ay kusii darayaan in raggii ka dambeeyay falkaas ay goobta si dhaqsi ah luuq yar oo halkaas  ku yaallay ku baxsaday, waxaana markii dambe halkaas tegay Ciidamo ka tirsan Puntland oo howlgal natiijo la’aan ah sameeyay.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo ka hadlay dilka loo geystay Jamaal Faarax Aaden ayaa laamaha amniga faray inay si deg deg ah gacanta ugu soo dhigaan dadkii ka dambeeyay dilka Wariye Jamaal.

Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa xiliyada qaarkood ka dhaca dilal qorsheysan oo geystaan rag ku hubeysan Bastoolado, waxaana Magaalada labada dhinc ka maamulada Puntland iyo Galmudug.

SOMALI NEWS

To Top