WARARKA SOOMAALI

Muwaadin Soomaali ah oo toogasho lagu dilay iyo faah faahin kasoo baxeysa

Koox hubeysan oo burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa saqdii dhexe ee xalay xaafad ka tirsan Magaalada Cape-town ee Caasimadda dalkaas waxaa ay ku dileen Muwaadin Soomaaliyeed oo goob ganacsi lahaa.

Muwaadinka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Allaha u naxariistee Axmed Abuukar Xaaji, isla markaana waxaa weerar loo adeegsaday Bastoolad ku qaaday rag hubeysan oo burcad ahaa.

Dad Soomaali ah oo goobta uu falku ka dhacay ka agdhawaa ayaa si deg deg ah halkaas u tegay, iyagoona markii hore Isbitaal ula cararay Muwaadinka, kadibna la xaqiijiyay inuu geeriyooday.

Axmed Abuukar ayaa kamid ahaa dhalinyarada Soomaaliyeed oo goobo Ganacsi ku lahaa dalka Koonfur Afrika, waxaana uu kamid noqonayaa Muwaadiniin farabadan oo dilal loogu geystay dalkaas.

Dalka Koonfurta Afrika ayaa ah dal ay kunool yihiin kumanaan Soomaali ah oo ku leh goobo Ganacsi, isla markaana waxaa halkaas Muwaadiniinta loogu geystaa dilal kala duwan, boob iyo dhac oo ay kula kacaan Burcad hubeysan oo koonfur Afrikaan ah.

SOMALI NEWS

To Top