WARARKA SOOMAALI

Waraysi:-Kulul oo lagu karbaashay Cabdiraxmaan Cabdishakuur & Su,aalo ku adkaaday-Video

Muqdisho ( HM ) Gudoomiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur  oo ku sugan magaalada London ee Dalka Ingiriiska,  ayaa Waraysi kulul waxaa la yeeshay Wariyaha Universal TV Cabdixaafid Maxamuud Jaajamac.

HALKAN  KA DAAWO WARAYSI

Waxaa ugu horayn wax laga waydiiyey   Xaalada guud ee Soomaaliya,  Arimaha Amniga ,  Doorashooyinka iyo  Arimo ku saabsan Xisbigiisa iyo Sababta uu ku diiday Madashii Xisbiyadda ee Xisbiga Wadajir uu ka baxay  Markii la sheegay in Sheekh Shariif Loo  dooranayo.

Dhinaca kale Cabdiraxmaan ayaa la Hordhigay Su’aalo kulul oo ay kamid yihiin Arimaha Badda iyo Heshiiski uu Saxiixay Xiligii uu ahaa Wasiirka, kaasi oo sheikh Shariif sheegay inaanu waxba ka ogayn,   Dhaqanka maamul goboleedyadda Soomaaliya, Dawladaha deriska ah ,  Caleemo Saarkii Kismaayo,   Shirkii dhowaan dhexmaray Madaxda Soomaaliya iyo Kenya,  iyo Waxa C.raxmaan Cabdishakuur ka dhigay Mucaarid marka aanu Dawladda shaqo ka ahayn  Iyo Arimo kale ee dalkeena Saamaynta ku leh.

SOMALI NEWS

To Top