WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu danbeeyay Xaaladda Caafimaad ee Bilaal Bulshaawi

Kooxo Bastoolado ku hubeysan ayaa fiidnimadii xalay agagaarka Isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho ku dhaawacay Bilaal Bulshaawi, oo ah wiil caan ka ah baraha bulshada gaar ahaan barta Tiktok.

Goobjoogayaal ayaa ku warramay in rag hubeysan ay  la dhaceen Bilaal Bulshaawi iyo wiil kale oo la socday, waxaana wararku sheegayaan in labada wiil goobta laga qaaday iyaga oo dhaawacyo qaba.

Kooxdii weerartay wiilashan dhallinyarada ah ayaa goobta si degdeg ah uga baxsaday, waxaana halka lagu dhaawacay Bilaal Bulshaawi iyo wiilka la socday soo gaaray ciidamo katirsan oo baaritaano goobtaasi ka sameeyay.

Wararkii ugu danbeeyay ee laga helayo xaaladda Caafimaad ee Bilaal iyo wiilka la socday ayaa sheegaya in xaaladdooda ay tahay mid wanaagsan, isla markaana rasaasta ay ka haleeshay Afka iyo qeybo kale oo kamid ah jirkooda sare.

Bilaal Bulshaawi ayaa ah wiil kusoo caan baxay barta Tiktok ay si weyn u isticmaalaan dhallinayarada caalamka, waxaana wiilkan dhallinyarada h loo aqoonsan yahay Madaxweynaha Tiktoka ee Soomaaliya.

Wararkii ugu danbeeyay Xaaladda Caafimaad ee Bilaal Bulshaawi
To Top