WARARKA SOOMAALI

Al-shabaab oo Dad shacab ah ku dilay deegaan ka tirsan Hiiraan Gaadiidna gubay

Wararka aan ka heleyno deegaanka Afar Irdood oo ku yaalla inta u dhaxeeyso Degmooyinka Maxaas iyo Baladweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaas xalay Al-shabaab ku dileen dad shacab ah.

Al-shabaab ayaa la sheegay inay weerar ku dileen ku dhawaad 20 ruux oo shacab ah, sidoo kalena waxaa jira dhaawac ah, kuwaasi oo qaarkood ka cararay degaanka ay dhibaatada ka dhacday.

Wararka ayaa intaas kusii daraya inay Shabaabka gubeen dhowr baabuur iyo Raashin oo ay wateen dadkii waxyeelada kasoo gaartay weerarka dhacay Afar Irdood ee ku yaalla inta u dhexeeysa Maxaas iyo Baladweyne.

Muddooyinkii danbe ayaa waxaa deegaano badan oo Gobolka Hiiraan ka socday howlgal ka dhan ah ururka Al.shabaab kuwaas oo ay wadeeyn Ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanayo Ciidamada deegaanka ee Macawisleeyda loo yaqaano.

Al-shabaab oo Dad shacab ah ku dilay deegaan ka tirsan Hiiraan Gaadiidna gubay
To Top