WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu danbeeyay Toogasho ka dhacday Magaalada Hargeysa & khasaaro jira

Nin hubeysan oo aan heybtiisa la garan ayaa xalay toogasho ka geystay degmada Maxamuud Haybe oo ka tirsan Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, waxaana falkaas laga helayaa faah faahino.

Ninka oo afka soo duubtay ayaa rasaas xoogan ku furay wiil dhallinyaro ah iyo Odey ilaalo ka ahaa Guri ku yaalla degmada Maxamuud Haybe, dhawaqa rasaas ayaa la maqlay, iyadoo goobta uu ka baxsaday Ninka.

Wiilka iyo Odeyga ayaa waxaa gaaray dhaawac oo keenay in la geeyo Isbitaalka weyn ee Magaalada Hargeysa, si xaaladdooda Caafimaad loogu dabiibo, dad la hadlay warbaahinta ayaa tilmaamay in dhaawaca Odeyga uu yahay mid daran.

Wararkii ugu danbeeyay ee la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidanka Booliska Maamulka Somaliland ay Hargeysa ka wadaan baaritaano kala duwan oo ku raadinayaan Ninka toogashada geystay oo baxsaday.

Wararkii ugu danbeeyay Toogasho ka dhacday Magaalada Hargeysa & khasaaro jira
To Top