WARARKA SOOMAALI

Ciidanka Dowladda oo Al-shabaab kala wareegay degaano ka tirsan HIIRAAA

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ka dhan ah dagaalamayaasha Al-shabaab kawada deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Hiiraan ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ,Saraakiisha ciidanka Xoogga , NISA & Booliska Hirshabeelle sidoo kale Dadka degaanka oo is Abaabulay ayaa qeybka ah Hawlgalka dib u xoreynta Gobolka Hiiraan.

Howlgalkan ayaa lagu baacsanayaa Al-shabaab oo dhiibato Xoogan ku haysay Shacabka ku dhaqan Gobolka Hiiraan oo ay kamid yihiin Gubida Guryaha ay dagan yihiin shacabka, sumeynta Ceelashii ay biyaha ka cabi jireen iyo burburinta Ateenooyinka isgaadhsiinta.

Saraakiisha Ciidamada qalabka sida & Masuuliyiinta Maamulka Hiiraan ayaa sheegay in Guulweyn laga gaaray Hawlgalka ka socda gobolka Hiiraan.

Al-shabaab ayaa dhowr jeer weeraro toos ah iyo kuwa qaraxyo ku qaaday Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Howlgalka ATMIS.

Ciidanka Dowladda oo Al-shabaab kala wareegay degaano ka tirsan HIIRAAA
To Top