WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu danbeeyay Nabaddoono caan ahaa oo Qarax lagu laayay

Wararka ka imaanaya duleedka degaanka Buq-aqable oo ka tirsan Gobolka Hiiraan  ee Maamulka Hirshabeelle ayaa sheegaya in xalay halkaas uu ka dhacay qarax lagu laayay Odayaal nabaddoono ah.

Qarax oo ahaa nooca miinada dhulka la geliyo ayaa lala beegsadya gaari ay wateen nabaddoonada oo ku sii jeeday degaanka Buq Aqable ee Gobolka Hiiraan, halkaas oo uu dhawaan ka dhacay howlgal qorsheysan oo lagu tilmaameedsaday Al-shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in nabaddoonada qarax lagu laayay ay ku jiraan nabaddoon Yuusuf Fiidow Faarax nabaddoon Xasan Xuseen Lugayare iyo nabaddoon Mukhtaar Xaaji.

Sidoo kale waxa qaraxaas ku geeriyooday wiil uu dhalay nabaddoon Yuusuf Fiidow Faarax oo lagu magacaabi jiray Ibraahim Yuusuf Fiidow halka ay ku dhaawacmeen nabaddoono kale, sida dowladdu sheegtay.

Mas’uuliyiinta dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qaraxaas nabaddoonada lagu laayay ku eedeeyay kooxda Al-shabaab inkastoo Al-shabaab aysan sheegan.

Wararkii ugu danbeeyay Nabaddoono caan ahaa oo Qarax lagu laayay
To Top