WARARKA SOOMAALI

Muqdisho: Al-shabaabkii ugu badnaa oo hal goob lagu qabtay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay howlgal qorsheysan oo saacadihii lasoo dhaafay Ciidanka Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ka fuliyeen qeybo kamid ah Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda ayaa waxaa lagu sheegay in howlgal habeen hore Ciidanka NISA ka sameeyeen Muqdisho lagu soo qabtay 10 xubnood oo ay sheegeen inay ka tirsanaayeen dagaalamayaasha Al-shabaab.

Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in Ciidamada ay gacanta ku dhigeen hub iyo rasaas oo ay wateen xubnaha la qabtay, iyagoona intaas kusii daray inay la wareegeen saddex guri oo ay daganaayeen, isla markaana la fashililyay howlgal ay damacsanaayeen inay fuliyaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay ‘ka go’an tahay la-dagaalanka Al-shabaab,   iyada oo uga mahadcelineysay shacabka Soomaaliyeed xogta ay la wadaageen, waxayna ugu baaqday dhalinyarada ka tirsan Shabaabka inay isku soo dhiibaan dowladda, waa sida la yiri.

Muqdisho: Al-shabaabkii ugu badnaa oo hal goob lagu qabtay
To Top