WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu danbeeyay Nabaddoon lagu dilay Magaalada Muqdisho

Waxaa galabta Isbitaal ku yaalla Magaalada Muqdisho ku geeriyooday mid kamid ah Nabaddoonada Soomaaliyeed oo maalmo kahor kooxo hubeysan ay ku dhaawaceen degmada Kaaraan ee Gobolkaan Banaadir.

Nabaddoonka oo lagu magacaabi jiray Jiinow Maxamed Ibraahim ayaa u geeriyooday dhaawac halis ahaa oo kasoo gaaray rasaas 10-kii bishaan lagu furay, xilli uu sii galayey gurigiisa oo ku yaal degmada Kaaraan ee Muqdisho.

Saddexdii maalin ee lasoo dhaafay ayaa waxaa xaaladdiisa Caafimaad lagula tacaalayey Isbitaalka la geeyay markii uu dhaawaca kasoo gaaray qeybaha sare ee jirkiisa, sida ay sheegeen qaar kamid ah eheladiisa.

Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa marar kala duwan dilal qorsheysan loogu geystay Nabaddoono, Waxgarad, mas’uuliyiin iyo Saraakiil Ciidan, waxaana inta badan dilalka ka dhaca Magaalada mas’uuliyadooda sheegta Al-shabaab.

Wararkii ugu danbeeyay Nabaddoon lagu dilay Magaalada Muqdisho
To Top