WARARKA SOOMAALI

Dowladda Somalia oo Deeq Gargaar ah Maanta kala wareegtay Imaaraadka Carabta

Wasiiru dowlaha xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Xirsi Jaamac Gaani, oo uu wehliyo Wasiirka Wasaaradda Dekedaha, Gen. Cabdullaahi Axmed Jaamac (Ilkajiir), Xoghayaha Joogtada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Maxamed Abuukar Zubeyr iyo masuuliyiin kale ayaa la wareegay deeq raashin oo ka timid dalka ee Imaaraadka Carabta.

Deeqda oo ka kooban 90 konteenar ayaa isugu jira cuntooyin kala duwan oo loogu talagalay in la gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed ee abaartu saameysay.

Wasiiru dowlaha xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Xirsi Jaamac Gaani ayaa Imaaraadka Carabta uga mahadceliyey taageerada ay mar kasta la garab taagan yihiin dowladda Federaalka.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa deeqdan ugu tala-gashay dadka Soomaaliyeed ee abaarta ku saameeysay Gobolada dalka, iyadoo deeqda la gaarsiinayo shacabka tabaaleysan.

Dowladda Soomaaliya ayaa waxay ka shaqeyneysaa inay u gaarsiiso dadka ugu baahida badan ee gobollada dalka sida ugu dhaqsiyaha badan.

Dowladda Somalia oo Deeq Gargaar ah Maanta kala wareegtay Imaaraadka Carabta
To Top