WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu danbeeyay Ganacsade Soomaali ah oo Maanta weerar lagu dilay

Waxaa sii kordhaya dilalka iyo dhibaatooyinka kale ee muwaadiniinta Soomaaliyeed loogu geesanayo deegaano ka tirsan dalka Koonfur Afrika, waxaana dilalkan cabsi badan ku abuureen Soomaalida dalkaasi ganacsiyada ku leh.

Kooxo burcad madow oo u dhalatay dalka Koonfur Afrika ayaa saakay xaafada Wesbank ee katirsan magaalada Cape Town ku dilay muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabayay Cabdi Sheekh Maxamed.

Muwaadinkan Soomaaliyeed ayaa la weeraray kadibna la dilay xilli uu gaari ku wareejinayay rooti, waxaana burcada dilka geesatay la sheegay in aysan wax dhac u geesan muwaadinkaasi Soomaaliyeed iyo gaarigiisa.

Ciidamada booiiska dalka Koonfur Afrika ayaa dilka kaddib gaaray goobta lagu dilay muwaadinka Soomaaliya, ciidamada ayaa ku guul dareestay in ay soo qabtaan burcadii dilkaasi ka dambeesay.

Magaalada Cape Town ayaa noqotay meesha ugu daran ee muddooyinkan dambe lagu beegsado muwaadiniinta Soomaaliyeed, waxaana maalmihii lasoo dhaafay deegaano hoostaga magaaladaasi lagu dilay in ka badan shan wiil oo Soomaali ah.

Wararkii ugu danbeeyay Ganacsade Soomaali ah oo Maanta weerar lagu dilay
To Top