WARARKA SOOMAALI

Golaha Wasiirada Jubbaland oo Ansixiyay in laba degaan laga dhigo Degmooyin

Madaxweyne kuxigeenka koowaad ee Jubaland Maxamuud Sayid Aadan, ayaa maanta shir guddoomiyey kulanka Golaha Wasiiradda Jubbaland oo todobaadkan markiisii ugu horeysay lagu qabtay magaalada Dhoobley.

Kulanka waxaa qayb ka ahaa Madaxweyne kuxigeenka labaad ee Jubaland Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud, xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda iyo sidoo kale Guddoomiyaha Degmada Dhoobley Siyaad Muxumed Xassan.

Ugu horeyntii Madaxweyne kuxigeenka koowaad ee Jubbaland Maxamuud Sayid ayaa Golaha Wasiirada uga warbixiyey xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo gunaanadkii doorashooyinka qabsoomay, golaha ayuu u sheegay in loo baahan yahay in la dar dargaliyo howlaha hortebinta u leh Dowladda oo ay ugu horeeyaan bixinta adeegyada bulshada, taakuleynta dadka ay abuuruhu saameeyeen iyo qodobo kale.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Jubaland Yuusuf Xuseen Cusmaan Dhuumaal ayaa golaha uga warbixiyey xaaladihii ugu dambeeyey ee amniga, iyadoo dhiirigalin iyo bogaadin loo soo jeediyey ciidamada kale duwan ee Jubaland iyo kuwa Danab oo howlgalo guuleystay ka fuliyey deegaanada dhaca galbeedka Kismaayo.

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Jubaland mudane Maxamed Warsame Darwiish ayaa soo jeediyey qiimeynta degmooyin cusub iyo ansixinta labo degmo oo kala ah #BUURDHUUBO iyo #DHOOBLEY kuwaas oo guddi  wasiirro ah ay wadeen maalmihii lasoo dhaafay qiimeynta iyo naqshadeynta degmooyinkaas.

Golaha ayaa cod gacan taag ah ku ansixiyey in magaalooyinka Dhoobley iyo Buurdhuubo ay si buuxda u noqdaan degmooyin ka tirsan Jubaland.

Golaha Wasiirada Jubbaland oo Ansixiyay in laba degaan laga dhigo Degmooyin
To Top