WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu danbeeyay Duqeyn khasaaro dhalisay oo ka dhacday Bakool

Diyaaraddo dagaal oo ah nuuca Miigga ah oo ay leeyihiin Ciidamada dowladda Federaalka Itoobiya ayaa waxaa saacadihii lasoo dhaafay ay duqeymo ka fuliyeen degaano ka tirsan Gobolka Bakool ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Warar la helayo ayaa waxaa la sheegayaan in duqeynta diyaaradeed ay fuliyeen Itoobiya ay ka dhacday degaan lagu magacaabo Garasweyne oo 50 KM galbeed ka xiga magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay duqeynta, waxaana la xaqiijiyey in duqeynta ay ku dhinteen laba Carruur ah, halka hooyadii dhashay ay ku dhaawacantay duqeynta, taasi oo Madaxa waxyeelo firir ah ka gaartay.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in degaanka ay duqeynta ka dhacday ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab, kuwaasi oo la sheegay inay wadeen abaabul ka dhan Ciidanka Liyuu Boolis oo ay maalmihii dambe dagaalo kula jireen.

Duqeyntaan ayaa waxay ku soo aadeysaa, iyadoo Jimcihii ciidamada Liyuu Boolis lagu laayey degaanka Aato ee Gobolka Bakool, kadib weerar culus oo Al-Shabaab ay ku qaadeen deegaankaas.

Wararkii ugu danbeeyay Duqeyn khasaaro dhalisay oo ka dhacday Bakool
To Top