WARARKA SOOMAALI

Al-shabaab oo goob fagaare ah ku toogatay 7 Ruux iyo Arrinta ay ku eedeysay

Gelinkii dambe maalintii jimcada aheyd ayaa waxaa Al-shabaab goob fagaare ah oo ku taalla deegaanka Buulaay ee Gobolka Baay ku toogatay rag ay ku eedeeyeen inay basaas u ahaayeen dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, dowladda Mareykanka iyo Maamulka Koonfur Galbeed.

Fagaaraha oo ay ku sugnaayeen Boqolaal Ruux oo ay ku amreen inay kasoo qeyb galaan daawashada toogashada raggaas oo 7 ah ayaa sidoo kale waxaa ku sugnaa saraakiil katirsan Al-Shabaab.

Maxkamadda Al-shabaab ayaa sheegtay in raggaan ay qirteen dembiyada lagu helay, isla markaana ay ahaayeen rag dhammaantood Basaas u ahaa dowladda Federaalka, Mareykanka iyo Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ragga toogashada ay Al-shabaab ku fulisay ayaa waxaa magacyadooda kala yihiin: Ceymooy Geedi Aadan , Cadaawe Cabdullaahi Dhicisow, Cali Maxamed Madoowe, Colaad Cabdiraxmaan Maxamed, Cabdiraxmaan Isaaq Ibraahim.

Sidoo kale Ragga ayaa waxa  ku jira Towfiiq Jinow Aadan oo sidoo kale Al-Shabaab  iyo Mayow Maxamed Yarow oo Al-Shabaab ku eedeeyeen in uu katirsan tahay Ciidamada Koonfur Galbeed ee ka Shaqeeynayay degmada Diinsoor.

Al-shabaab oo goob fagaare ah ku toogatay 7 Ruux iyo Arrinta ay ku eedeysay
To Top