Kooxo hubeysan ayaa xalay xaafad ka tirsan degmada Dhrakeenley ee Gobolka Banaadir ku dilay Nabaddoon caan ahaa oo lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Nuur Garaad (Seefle), kaasi oo u dhintay rasaas looga dhuftay qeybaha sare ee jirka.
Goobjoogayaal ayaa ku warramay in kooxihii dilka fuliyey ay goobta ka baxsadeen, iyadoo marxuumkana uu isla goobta ku geeriyooday, waxaana markii loo qaaday Xarunta dembi baarista CID-da.
Marxuum Nabadoon Cabdullaahi Nuur Garaad “Seefle” ayaa ahaa nin afgaaban oo cibaado badan sida ay sheegeen dadka aqoonta u leh.
Ma jirto cid sheegatay dilka nabadoonka, inkastoo dilalka noocan ah looga bartay kooxda Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya iyo ciidamada shisheeye ee taageeraya.