WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu danbeeyay Dagaal khasaaro dhaliyey oo ka dhacay Galmudug

Dagaalka oo u dhaxeeyay laba Maleeshiyo Beeleed ayaa waxaa uu ka dhacay  deeganka haraale ee Galbeedka fog kaga beegan degmada Balanballe ee Gobolka Galgaduud.

Maleeshiyaadka dagaalamay oo ah Xoolo dhaqato ayaa la sheegay in uu salka haayo arrimo la xiriira dhul daaqsimeed, waxaana inta la xaqiijiyay ku geeriyooday ilaa lix Ruux 8 kalena waa ay ku dhaawacmeen.

Dadka  deeganka haraale ayaa waxaa ay sheegeen in dagaalkaan uu yahay mid kusoo laab laabtay degaanka, isla markaana aysan jirin cid wax ka qabaneysa, waxaana dadka ku dhaawacmay la kala geeyay Gurceel iyo Balanballe.

Dhowrkii sano ee la soo dhaafay ayaa waxaa degaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolada Galgaduud iyo Mudug waxaa kusoo batay colaad Beeleedyada soo laab laabtay, iyada oo Madaxda Galmudug aysan ku guuleysan inay wax ka qabtaan.

Wararkii ugu danbeeyay Dagaal khasaaro dhaliyey oo ka dhacay Galmudug
To Top