WARARKA SOOMAALI

Puntland oo xukuno culus ku riday xubno ka tirsan Al-shabaab oo ku sugnaa Magaalo

Maxkamadda Ciidamada dowlad Goboleedka Puntland, ayaa saakay xukuno dil iyo xabsi isugu jira ku riday shabakad ku eedaysan inay ka tirsan yihiin Argagixisada Al-Shabaab.

Shabakadaas oo ka kooban lix xubnood ayaa afar ka mid ah lagu xukumay dil toogasho ah, halka labada kalena lagu riday xukuno xabsi ah. Ragaas waxaa loo heystaa inay dilal iyo qaraxyo ka geysteen magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Maxkamadda ayaa dil ku xukuntay ragga kala ah:

1 – Farxaan Faysal Salaad
2 – Cabdullaahi Faysal Xuseen
3 – Barkhad Cawil Xirsi
4 – Liibaan Aaden Muuse

Sidoo kale Cabdiqani Farxaan Cabdullaahi ayey Maxkamaddu ku xukuntay 30-sano, halka Cabdiraxmaan Cawil Maxamed ay ku xukuntay 20 sano oo xabsi ah.

Puntland oo xukuno culus ku riday xubno ka tirsan Al-shabaab oo ku sugnaa Magaalo
To Top