WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu danbeeyay Dagaal aad u culus oo dhexmaray macwiisley iyo Al-shabaab

Dagaal u dhexeeyay Ciidanka ee macwiisleyda iyo dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa gelinkii dambe ee shalay ka dhacay deegaanka Ceeldheere oo ku yaalla halka ay iska galaan Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ee Maamulka Hirshabeelle.

Dagaalkan ayaa waxaa uu ka dambeeyay, kadib markii Al-shabaab ay weerar dhowr jiho ah ku qaadeen Saldhig kooxda macwiisleyda ay leeyihiin deegaanka Ceeldheere, dagaalka ayaa inta uu socday la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh ayaa waxaa uu ka dhashay dagaalkii cuslaa ee dhacay, mana cadda khasaaraha rasmiga ah ee jira, maadaama weli aysan wax faah faahin ah dagaalkaas ka bixin Saraakiisha ciidamada dowladda Federaalka.

Dagaal culus ayaa galabta ka dhacay degaankaas, kadib markii ay Al-Shabaab soo weerareen saldhig ay Ceeldheere ku lahaayeen ciidanka dib u xoreynta deegaanka, waxaana halkaas khasaare culus lagu gaarsiiyey Al-Shabaab.

Dadka deegaanka ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in kooxda lagu jebiyey dagaalkii oo ay dib ay ugu laabteen deegaanadii ay ka soo duulaan tageen markii horey, ayna ka wadeen maalmihii lasoo dhaafay abaabul, iyagoo meydad badan uga cararay goobta.

Wararkii ugu danbeeyay Dagaal aad u culus oo dhexmaray macwiisley iyo Al-shabaab
To Top