WARARKA SOOMAALI

Faah faahin: Nabaddoon caan ahaa oo la dilay iyo Guddoomiye Degmo oo la dhaawacay

Wararka aan ka heleyno deegaanka Caddow Uul oo hoostaga degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in galabta halkaas lagu dilay Nabaddoon caan ka ahaa Gobolka iyo magaalada Muqdisho.
Nin hubeysan oo maleeshiyaad ah oo watay qori AK-47 ayaa rasaas ooda uga qaaday Odayaal iyo Nabaddoono ku sugnaa deegaanka Caddow Uul, xilli ay wadeen arrimo dib u heshiisiin ah oo maalmaahan socday.
Rasaasta ayaa waxaa ku dhintay Nabaddoon lagu magacaabi jiray Mukhtaar Axmed Maxamed, oo maalmihii lasoo dhaafay waday howlo dib u heshiisiin ah oo lagu dhex-dhexaadinayay maleeshiyo beeleed ku dagaalamay Shabeellaha Dhexe.
Tacsida loo dirayo qoyska iyo ehelka Marxuumka ayaa harreeysay baraha Bulshada,  Ninkii falkaas dilka geystay ayaa sidoo kale dhaawacay Guddoomiyada degmada Cadale, oo haatan xaaladdiisa caafimaad la dabiibayo.
Faah faahin: Nabaddoon caan ahaa oo la dilay iyo Guddoomiye Degmo oo la dhaawacay
To Top