WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu danbeeyay Dad lagu dilay Toogasho ka dhacday Jaamacad ku taalla Mareykanka

Ugu yaraan 3 qof ayaa la dilay, 5 kalena wey dhaawacmeen Toogasho xalay oo Isniin ahayd ka dhacday Jaamacadda Michigan State University (MSU) ee dalka Maraykanka.

Toogashadaasi ayaa waxay 8:15 Fiidnimo ee xalay (xilliga dalkaasi) ka dhacday meel u dhow Berkey Hall ee bariga Kambaska Lansing Campus ee Jaamacadda MSU.

Booliska ayaa waxaa ay sheegeen in 2 qof lagu dilay toogasho ka dhacday Berkey Hall, halka qof kalena ku dhintay Dhismaha the Union Building.

Mar sii horeysay Booliska ayaa waxay soo bandhigeen Sawirka Nin hubeysan, kaasi oo la rumeysan yahay inuu keligiisa geystay Toogashadaasi.

Baadi-goob socday 3 saacadood kadib, Bobliska waxay xaqiijiyeen inay maydka Dableygii ka heleen bannaanka Jaamacadda, isla markaana uu u muuqday inuu u dhintay dhaawac uu isaga isku geystay.

Toogashadii ka dhacday Jaamacadda MSU waxay ku soo beegantay 14 bilood kadib, Toogasho Wadareed bishii November 30-dii ee sanadkii 2021-kii ka dhacday Dugsiga Oxford High School ee Gobalka Oakland, Michigan oo 80 miles dhanka Bari kaga toosan magaalladda
East Lansing oo ka tirsan isla Gobalkaasi.

Wararkii ugu danbeeyay Dad lagu dilay Toogasho ka dhacday Jaamacad ku taalla Mareykanka
To Top