WARARKA SOOMAALI

DAAWO: Dowladda Soomaaliya oo Maanta Amaro culus kusoo rogtay Shirkaddaha iyo Bankiyada

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo saartay Go’aano hor leh oo cunaqabateyn lagu saarayo kooxda Al-shabaab oo dagaal ku jirto dowladda.

Guddiga la dagaallanka lacag dhaqidda iyo maalgalinta Argagixisada ayaa go’aano adag oo ka soo baxay waxaa lagu faray shirakadaha, dadka ka ganacsada dhulalka iyo dhismayaasha inay iska diiwaangeliyaan, isla markaana ogolaansho ka heystaan wasaaraddaha dowladda.

Bankiyada, Xawaaladaha iyo Shirkadaha bixiya adeegyada lacagaha mobile-lada) ayaa lagu faray inay ku soo gudbiyaan warbixinadda ay warsadaan hay’addaha ku shaqada leh sida Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud muddo 24 saac guddahood.

Dhan kale bulshadda Soomaliyeed ayaa wargaliyay in ay ka fogaadaan talaabo kasta oo caawin karta khawaarijta, gaar ahaan dembiyada lacag dhaqida iyo maalgelinta argagixisada.

Wasiirka wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa warbaahinta u aqriyey Go’aanno adag oo ka soo baxay Guddiga la dagaallanka lacag dhaqidda iyo maalgalinta Argagixisada.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

 

DAAWO: Dowladda Soomaaliya oo Maanta Amaro culus kusoo rogtay Shirkaddaha iyo Bankiyada
To Top