WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu dambeeyay Dagaal xoogan oo ka dhacay Muqdisho iyo khasaaro jira

Xaafada Daaru Salaam dhinaca degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir waxaa ku dhacay dagaal khasaaro geestay oo u dhaxeeyay ciidamo kala taabacsan Gudoomiye kuxigeenka siyaasadda ee Degmada Dayniile iyo Gudoomiyaha waaxda Daaru Salaam.

Dagaalkan ayaa la isku adeegsaday hub nuucyo kala duwan oo si weyn argagax ugu beeray dadka kunool xaafada Daaru Salaam, waxaana dagaalkan salka ku hayay sida aan wararka ku helnay dhul la isku heesto.

Ku dhawaad shan askari oo dhinacyadii dagaalamay ayaa lagu soo waramayaa in dagaalka ku dhinteen halka tiro kalana ku dhaawacmeen, waxaana markii dambe istaagay dagaalka kadib markii ciidamo kala dhax galeen dhinacyadii dagaalamay.

Laamaha amaanka iyo maamulka degmada Dayniile ayaan wali ka hadlin dagaalkan khasaaraha dhaliyay ee maanta ka dhacay xaafada Daaru Salaam  , mana jiro war iyana kasoo baxay dhinacyadii dagaalamay.

Wararkii ugu dambeeyay Dagaal xoogan oo ka dhacay Muqdisho iyo khasaaro jira
To Top