WARARKA SOOMAALI

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Maanta lagu soo dhaweeyay Magaalada Muqdisho

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa soo gaaray magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa Madaxweyne Lafta-gareen kusoo dhaweeyay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda xilgaarsiinta, Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda Gobolka Banaadir iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Federaalka.

Madaxweyne Lafta Gareen ayaa ka qeyb gali doona shirka Wadatashiga Qaranka ee arimaha doorashooyinka kaa oo uu ku dhawaaqay Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa ku sugan Madaxweyneyaasha maamulada Jubbaland, Puntland, Hirshabeelle iyo Galmudug, iyagoo ka qeyb galaya Shirka doorashada ee uu dhawaan ku baaqay Ra’iisul Wasaare Rooble.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Maanta lagu soo dhaweeyay Magaalada Muqdisho
To Top