Wararka ka imaanaya Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool ayaa sheegaya in xalay halkaas dabley hubaysan ka fulisay weerar khasaare gaystay habeenii xalay aheyd.
Rasaas xooggan ayaa laga maqlay gudaha magaalada, kadib markii weerar lagu qaaday xarun ay ka socotay ololaha doorashada Somaliland.
Wararku waxay sheegayaan, in dad ku dhaawacmeen weerarka, inkastoo aysan weli faahfaahin ka bixin laamaha Amniga maamulka Somaliland.
Xarunta la weeraray ayaa lagu sheegay xafiiska ololaha doorashada ee murashax Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo u tartamaya xubin ka tirsan Baarlamanka Somaliland.
Wararkii ugu dambeeyay ee saakay la helayo Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa sheegaya in Ciidanka Booliska Somaliland halkaas ay Saakay ka wadaan baaritaano kala duwan oo ay ku baadi goobayaan raggii fuliyay weerarkii xalay dhacay.
