WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu dambeeyay weerar ismiidaamin ah oo lagu qaaday Ciidamada Jubaland & kuwa Dowladda.

Kismaayo (HM) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax is-miidaamin ah oo lagu weeraray ciidamada huwanta ee ku sugan deegaanka Janaay Cabdalle oo 60 KM u jira magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Qaraxa oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa waxaa lala bartilmaameedsaday saldhig ciidamada dowladda, kuwa Jubbaland ay ku leeyihiin deegaankaasi.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxaas uu geystay khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo bur-bur, walow aan is dhab ah aan loo cadey karin inta uu gaarsiisan yahay.

Ilo deegaanka ah ayaa sidoo kale sheegay in qaraxa kadib uu xigay weerar toos ah oo lagu qaaday saldhigga ciidamada dowladda iyo kuwa Jabbaland ee Janaay-Cabadalle.

Sidoo kale kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxan, waxaana ay shaacisay in khasaare ay ku gaarsiisay ciidanka huwanta.

Sidoo kale qoraalka ka soo baxay Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in meydadka iyo dhaawacyada diyaarad Helikobtar ah looga soo qaaday halkaasi, sida ay hadalka u dhigtay.

Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka saraakiisha ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland oo ku aadan weerarkaasi is-miidaaminta ah.

Muddooyinkii u dambeeyey ayaa waxaa gobollada Jubbooyinka ka jiray dhaq-dhaqaaqyo milatari oo Al-Shabaab looga saarayo gobolladaasi oo ay si weyn ugu xoogan yihiin.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top