WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu dambeeyay Madaxweyne Deni oo kulamo ka wada Nairobi

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo shalay gaaray magaalada Nairobi ee xarunta waddanka Kenya ayaa halkaas ka wada kulamo ku saabsan Arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.

Wararku waxay sheegayaan in madaxweyne Deni uu Nairobi kulamo la xiriira Arrimaha doorashada uu kula leeyahay qaar kamid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Kenya.

Safarka madaxweynaha Puntland ee Nairobi ayaa yimid kadib Shirkii Arrimaha doorashooyinka ee Muqdisho ku soo xirmay kaas oo laga soo saaray habraaca jadwalka doorashada Aqalka hoose ee Baarlamka dalka.

Dhinaca kale Safarka Saciid Deni ayaa kusoo aaday, xili muran uu ka taagan yahay habraaca doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka oo ay soo saareen Golaha Wadatashiga Qaran, kaasi oo ay diideen Musharaxiinta, Bulshada Rayidka iyo Odayaasha dhaqanka.

SOMALI NEWS

To Top