WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalada dalka Itoobiya-Video

Jigjiga (HM)-Waxaa jirta weli cabsi laga qabo in khasaare badan uu ka dhashay dagaalka u dhexeeya ciidamada federalka Itoobiya iyo jabhada Tigrey.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Dowlada Ethiopia ayaa u dirtey digniin kama dambeys ah madaxda Tigrey hase yeeshee waxaa ku gacan seyrey digniintaas madaxda jabhada Tigrey oo sheegay in ay khasaare badan gaarsiiyeen ciidamada Itoobiya.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in dagaalyahanada TPLF ay ogaadaan inay joogaan meel aysan kasoo laaban karin, sidaas darteedna ay si nabad isku soo dhiibaan.

Dowladda Itoobiya waxay sheegeysaa inay la wareegtay dhammaan magaalooyinka waaweyn ee ku yaalla Tigray. balse TPLF ayaa weli ayaa gacanta ku heysaa caasimadda Mekelle.

Dowladdana waxay sidoo kale sheegtay in ciidamada ay kusii siqayaan dhinaca caasimadda Tigray.

Dhinaca kale, madaxda TPLF waxay sheegayaan in guulo ay ka gaareen isla markaana ay khasaare xooggan ay gaarsiiyeen militeriga Itoobiya.
Waxaa adag in la xaqiijiyo sheegashooyinka labada dhinac maadama khadka isgaarsiinta gobolka uu go’anyahay.

Ciidamo taabacsan TPLF ayaa lagu soo warramayaa inay burburiyeen garoonka diyaaradaha ee ku yaalla magaalada taariikhiga ah ee Aksum, sida ay ku warrantay warbaahinta Fana.
Toddobaadkii lasoo dhaafay ayay aheyd markii ciidamada dowladda ay sheegeen inay la wareegeen magaalooyin muhiim ah sida Aksum, magaaladan waxaa horraan gacanta ugu hayay ciidamada TPLF.

Ma jiraan warar madaxbanaan oo xaqiijinayo in xooggaga TPLF ay burbur u geysteen garoonka diyaaradaha ee Aksum, waxaana adag in la xaqiijiyo wararkan maadama uu gobolka ka go’anyahay khadka isgaarsiinta.

Shacabka ku nool caasimadda gobolka Amxaarada ayaa sheegay in saaka ay maqleen qaraxyo xooggan oo ka dhacay magaalada Bahirdar.

Waxaana looga shakisan yahay in gantaallo ay ciidamada TPLF mar kale ku garaaceen gobolka Amxaarada.

Dhawaan ayay aheyd markii gantaallo lagu garaacay caasimadda gobolka Amxaarada ee Bahirdar xilli uu dagaal ka socda gobolka Tigray.

Ergada gaarka ah ee Midowga Afrika uu usoo magacaabay inay dhexdhexdiyaan dowladda Itoobiya iyo TPLF ayaanan loo ogolaan doonin inay gaaraan gobolka Tigray, sida uu sheegay Mamo Mihretu oo ah la taliyaha Abiy Axmed.

Madaxweynaha Midowga Afrika, Cyril Ramaphosa ayaa Jimcihii usoo magacaabay madaxweynihii hore ee Mozambique Joaquim Chissano, madaxweynihii hore ee Liberia Ellen Johnson-Sirleaf iyo madaxweyniii hore ee Koonfur Afrika Kgalema Motlanthe si ay u dhexdhexdiyaan labada dhinac.

SOMALI NEWS

To Top