WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu dambeeyay diyaarad ku burburtay garoonka Aadan Cadde-Sawiro

Muqdisho (HM) – Waxaa faah faahino dheeraad ah laga helayaa shil diyaaradeed oo goor dhow ka dhacay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Shilka ayaa yimid, kadib markii diyaaradda oo uu oo nuuceedu yahay 5Y-MHT ay ku dhacday darbiga ama xeyndaabka garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in diyaaraddaasi laga soo saaray illaa afar qof oo labo ka mid ah ay dhaawacyo yihiin, waxaana dadka la soo  bad-baadiyey ku jiro duuliyaha iyo caawiyihiisa, sida ay Caasimadda Online u sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Sidoo kale waxaa gurmad deg-deg ah u fidiyey diyaaraddaas howl-wadeenada garoonka, si uusan  dab uga kacin.

Sida aan xogta ku helnay diyaaradda oo ah kuwa yaryar ayaa waxaa adeegsanayey xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

lama oga sababta rasmiga ah ee dhalisay shilkaasi diyaaradeed, balse waxa loo badinayaa cilad ku timid diyaaradda.

Si kasbataba ha’ahaatee muddooyinkii dambe ayaa waxaa sii badanayey shilalka diyaaradeed ee ka dhaca gudaha Soomaaliya, waxaan ugu dambeeyey mid kii ka dhacay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif, magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top