WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Waddo ku taalla Muqdisho una xirneyd sababo amni oo dib loo furay

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa howla kormeer ah ku sameeyay dhismaha Wadada dheer ee degmada Deyniile oo meel wanaagsan mareysa.

Dhismaha wadadan oo muhiim u ah isku socodka Caasimadda iyo dalxiiska deegaanka ayaa mas’uuliyiinta waxa ay ku sameeyeen kormeer socod ah.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa waxa uu sheegay in Maamulkiisa ay ka go’an tahay isku tashi iyo in Caasimadda la hormariyo.

Dhanka kale Guddoomiyaa Gobolka Cumar Filish ayaa maanta dib u furay wadada kuliyada oo mudooyinkii lasoo dhaafay u xirneed sababa amni,

Bulshada Gobolka Banaadir ayaa horey uga codsatay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir sidii loogu furi lahaa wadadan oo isticmaalkeeda muhiim u ah isku socodka Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

SOMALI NEWS

To Top