WARARKA SOOMAALI

Wadaado Qur’aan saar u socday oo qarax lagu dilay.

Muqdisho (HM)-Wararka ka imaanaya magaalada Xudur ayaa sheegaya in qarax miino ay la kacday dad shacab ah oo saarnaa mooto saddex luguuley-da.

Miinada oo aheyd nuuca dhulka lagu aaso ayaa waxaa ku geeriyooday illaa lix ruux, halka 2 kalena ay dhaawacantay, waxaana dhamaan dadka saarnaa labo ka mid ahaayeen walaalo.

Qaraxan ayaa ka dhacay meel 25KM dhanka waqooyi kaga beegan degmada Xudur, sida dadka deegaanka ay soo sheegayaan.

Wararka ayaa sheegaya in dadka saarnaa mootada ay ahaayeen dad culumo ah oo ku socday guri lagu casuumay inay qur’aan ka akhriyaan.

Meydadka lixda ruux ee qaraxa ku geeriyooday ayaa saaka lagu aasayaa tuulo 15KM u jirta magaalada Xudur, halkaasoo aheyd goobtii markii hore ay ka baxeen.

Inta badan waddooyinka soo gala degmada Xudur ayaa waxaa ka dhaca qaraxyo miino iyo weeraro, iyadoo Al-Shabaab ay horay u go’doomiyeen wadadaas.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top