WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Waa sidee xaaladda Magaalada Guriceel iyo mar kale oo laga cabsi inuu…

Waxaa saakay xaalad deganaansho ah oo aan cago badan ku taagneyn laga dareemayaa Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud oo shalay ilaa xalay ay ku dagaalameen Ciidanka dowladda Federaalka, kuwa Maamulka Galmudug iyo Ciidanka Ahlusunna Waljamaaca.

Dad ku sugan Guriceel ayaa ku warramay in saaka xaaladda ay tahay mid degan, in kastoo dhinacyada dagaalamay ay isku hor-fadhiyaan gudaha Magaalada, ayna ku kala sugan yihiin goobihii galabka ugu dhacay xalay, waxaana labada dhinac ay saacadihii lasoo kala heleen gurmadyo Ciidan oo u kala yimid.

Dagaalkii ugu khasaaraha badnaa ayaa dhacay gelinkii dambe ee shalay, kadib markii Ciidanka Ahlusunna oo laga qabsaday Xarunta degmada Guriceel iyo Saldhiga Booliska ay dagaal rogaal celin ah ay soo qaadeen Magaalada, iyagoona ku qabsaday Xarumihii marka hore Ciidanka dowladda iyo kuwa Galmudug kala wareegeen.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo kala gaaray labada dhinac ayaa ka dhashay dagaaladii dhacay, waxaana la xaqiijiyay inay ku geeriyoodeen in ka badan 25 ruux oo ay ku jiraan Saraakiil Ciidan, Askar iyo dad shacab ah oo rasaas haleeshay.

Dadka ku dhintay dagaalka ayaa waxaa ku jira Taliyihii Ciidanka DANAB ee Galmudug Cabdiladiif Feyfle iyo Saraakiil ka tirsanaa Ciidanka dowladda iyo kuwa Ahlusunna Waljamaaca, waxaana ku dhaawacmay afartameeyo qof oo Xarumo Caafimaad la geeyay, si loogu daaweyo.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

DAAWO:-Waa sidee xaaladda Magaalada Guriceel iyo mar kale oo laga cabsi inuu…
To Top