WARARKA SOOMAALI

Dowladda Soomaaliya oo Maamul Goboleed ku wareejisay Malaayin Dollar oo loogu…

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan oo ay wehliyaan Agaasimaha Xalka Waara Marwo Zahra Cabdi Mohamed, Madaxa xariirka deeqaha ee Bahwadaagta Soomaaliya Asad Yuusuf, ayaa kulan kula qaatay xarunta Wasaaradda Wasiirka Qorsheynta Hirshabeelle iyo Madaxa Hay’adda NIS- Soomaaliya.

Kulankaas ayaa waxaa looga wada hadlay mashruuca yaraynta fatahaadaha deegaannada Hirshabeelle iyo sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka soo gaara, xiliyada uu fatahaadaha sameeyo Webiga Shabeelle.

Wasiir Jamaal ayaa ku wareejiyay Wasiirka Qorsheynta Hirshabeelle mashruuca yaraynta fatahaadaha kaas oo la doonayo in xal waara looga gaaro fatahaadaha kusoo noq-noqday magaalada Beledweyne iyo degaanada kale ee maamulkaasi.

Mushruuca ayaa ku kacaya 1.1 Milyan Dollar oo ay Dawladda Norway ugu deeqday Soomaaliya, iyada oo ay fulinayso mashruucaan hay’adda NIS Foundation isla markaana loo daadejiyay Wasaaradda qorsheynta ee Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle.

Xafiiska Xalka Waara ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka ayaa dedaallo ugu jirto sidii Xal Waara looga gaari lahaa fatahaadaha kusoo noq-noqday deegaannada Hirshabeelle, kuwaas oo saameeyay dadka Shacabka ah.

Dowladda Soomaaliya oo Maamul Goboleed ku wareejisay Malaayin Dollar oo loogu…
To Top