WARARKA SOOMAALI

Waa sidee Xaaladda Deegaanadii shalay iska hor imaadku ku dhexmaray Maamuladda Puntland iyo Somaliland?

Xaalada  Deegaanadii shalay iska horimaadku ka dhacay ayaa saaka degan,warbaahinta Horufadhi oo la xidhiidhay qaar kamid ah Dadka degan Magaalooyinka Laascaanood iyo Garoowe ayaa sheegay in ay saaka xaaladu degan tahay walow ay Ciidamadda Maamulada Somaliland iyo Puntland isku hor fadhiyaan deegaanadii ay ku sugnaayeen.

Shalay ayey ahayd markii uu goor hore oo aroortii uu iska hor imaad kooban dhexmaray Ciidamadda Maamulka Somaliland ee ku sugan Duleedka Tukaraq iyo Maleeshiyaad uu Hogggaaminayo Faysal Falaalug oo ah Hoggaamiyaha Jamhadda la magacbaxaday Xoreynta Deegaanada SSC.in kasta oo uusan wax khasaare ah ka dhalan iska hor imaadka.

Lama oga xaaladda halka ay ku danbeyn doonto waxaana inta badan laga cabsi qabaa in mar kasta uu dagaal dhex maro Ciidamadda Jiida isku hor fadhiya ee Maamulada Puntland iyo Somaliland.

Wixii Xaaladda Deegaanka kasoo kordha Kala soco Horufadhi Media.com

SOMALI NEWS

To Top