WARARKA SOOMAALI

Buuggii Gaas oo la karbaashay”Gaas abaal la’aanta iyo asraarka beenta ah waa lagu yaqaanaa”-warbixin

Laascaanood (HM)-Xildhibaan Cali Yuusuf Xoosh ayaa si adag u dhaliilay Buug uu Cabdiwali Gaas ku aflagaadeeyay mas’uuliyiin kala duwan oo uu kamid yahay Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland Cabdiraxmaan Faroole.

Buuga oo cambaareyn dhinacyo kala duwan ka imaaneysa la kulmaya ayaa waxaa lagu soo qaadey rag uu u bixiyey ‘Midowga Shayaadiinta’ wuxuuna is-barbardhig ku sameeyay xukuumadiisa iyo kuwii kale ee ka horeeyay.

Xoosh ayaa markii uu Buuga arkay sheegay inuu xidhiidh la sameeyay Gaas. Cabdiwali wuxuu qirtay in uu Buugu isagu leeyahay, wuxuuse qiil ka dhigtay ‘Gedaal buu ka fiican yahay’. Hase ahaatee, warkaa “ima anficin,” ayuu yidhi Cali Yuusuf.

“Waxaa la yiraahdaa beenlowga waxaa sira beenta oo xusuustaa yar; beelow xusuus yari ayaa sirdha [sirta] ayaa la yiraahdaa,” ayuu tibaaxay, isaga oo raaciyey: “Wuxuu yiri ‘Cali baa lasoo xiriiray Maxamed Cabdiraxmaan buu qadka soo geliyay si qarsoodi ah’ dabeecadaas maba aqaano, tiknoolajiyad ahaan”.

Gaas, kahor inta aan 8-dii Janaayo 2014-kii loo doortay madaxweynaha maamulka Puntland, ayaa wuxuu soo noqday ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

“Ragga uu u bixiyey 12-ka uu yidhi ‘Midowga Shayaadiinta’ wuu sii fogaadey oo abkooda ayuu gaarey…nimankaasi waa niman reer Nugaaleed ah…oo tiradooda maba aqaani oo tiruu sheegay isagu…waan maleynayaa in ragaasi oo aan anigu kamid ahay oo akhyaar ah oo odayaasha meeshaas ah oo xag cibaado, akhlaakh, xag mas’uuliyadeed niman qiima gal ah…laakiin garan kara ninka xun ee isaga oo kale nooca uu yahay ah oo doonayo in uu ku kaarto baxo oo xumaanta uu leeyahay diiradda ku saara halkaas,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

10-kii Bishii June 2011-kii, kadib codsi ka yimid Gaas isaga oo Kampala ku sugan, Faroole oo haatan kamid ah Aqalka Sarre ee baarlamaanka federaalka, ayaa Cabdiwali ku taageeray inuu noqdo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

“Aniga oo Qardho maraya ayuu ila soo hadlay wuxuu igu yiri ‘Cabdiraxman Faroole igala hadal Farmaajo ra’iisul wasaare buu ii wadaa’ Faroole oo Jabuuti jooga ayaan la hadlay wuuna ogolaadey, sidaasi ayaana ku dhameeyay, abaal bey ahayd oo aan u galay,” ayuu sharcidejiyaha ku daray hadalkiisa.

“Abaal-laawe”.

HALKAN KA DAAWO

Maamulkii uu majaraha u hayey Gaas ayaa dhaqaale burbur u horseeday Puntland, waxaana mashaariicda laga helo caalamka ay noqdeen kuwa shaqsiyaad gaar ah oo Madaxtooyadda ka tirsan ay gacanta ku dhigaan.

“Ragga kale oo uu xusay, Shayaadiinta uu ku sheegay, laakiin qiimigooda dadka kale og-soon yahay, waxaan ogaa oo aan anigu kamid ahaa lacag 100-kun oo dollar ah in aanu siinay oo jeebabkeena aanu uga qaaraanay, waqti uu lahaa doorashaaan gelayaa…abaal la’aanta marka waa lagu yaqaanaa, as-raarta beenta ahna waa lagu yaqaanaa…Farmaaijhii boosas-kaasi keenay iyo Faroole-iyo kuli waxa uu ugu abaal-guday waa lagu yaqaanaa…marka ninkii wanaag u gala xume ayuu ugu abaal-gudaa, as-raarkana waa yaqaanaa,” ayuu daba dhigay.

Mudadii uu xafiiska joogay Cabdiwali Gaas waxaa maamulkiisa lagu eedeeyaa musuqmaasuq baahsan, ku tagrifalka xoolaha dadweynaha, eexasho, shaqaalaha dowladda iyo ciidamadda oo aan mushahar qaadan.

“Waa ninka baarlamaanka dhexdiisa lacagta uu sameeyay oo la yiri ‘lacagtan ma sameyn’ oo uu yiri ‘gacantiina ayaan ku arkay’ waa ninka intii shaqaalihii ay soo istaageen yiraahdeen ‘mushahar ma aanan qaadan oo caan ah’ oo isaga markaa Garowe dabaqyo ka dhisanayey oo hadda uga dhisan yihiin Gaalkacyo, Washington, lahaa ‘shaqaaluhu mushahar buu qaatay’ asraar noocaas ah aniga ahaan waa qofkii ugu horeeyay oo meel lasoo istaaga mas’uul noocaas ah,” ayuu mudanaha hoosta ka xariiqay.

Intii ay jirtay xukuumadda Gaas, degaanadda Puntland waxaa ku xoogeysatay maleyshiyaadka argagixisadda ah ee Al-Shabaab iyo Daacish, taasi oo ka dhalatay markii lacagtii amniga loo qorsheeyay uu u adeegsaday dano gaar ah.

“Isbarbardhigii baan wadaa…waqtigii uu joogay iyo waqtigii kale….wuxuu sii daayay argagixisadii jeelasha ku xirneyd…wuxuu sii xoojiyey oo uu heshiis la galay argagixisadii kale ee beeraha joogtay, illaa iyo ay baadeen ganacsatadii…wali lama arag Puntland…xiligiisii maraakiib deeq ah oo masaakiinta loogu talogalay uu yiri xulufo aktiisa ‘isoo iibsha’ oo ganacsatadii laga wada iibiyey oo kuli bakhaarada lawada dhigi jiray,” ayuu xusuustiisa dib ugu milicsaday.

Gaas, oo dhaxal-xun uga tegay Puntland markii looga guuleystay doorashadii uu kusoo baxay mudane Deni, ayaa noqday madaxweynihii koowaad ee khilaafka kala dhaxeeya ku xigeenkiisa uu soo shaac baxay dhowr jeer.

“Waxayno aragnay in madal kasta uu tago wax been ah oo aan daacad ahayn oo dadka meesha uu jooga uu ku qacinayo in uu sheego sidii markii Canada uu tago uu yiri ‘Puntland faqiiriin baa isugu soo haray iyo dadaan aqoon lahayn’ tii Dubai oo uu yiri ‘Puntland waa gabar fiicanoo [laakiin] aal-ku-luusteyaal baa guursadey’ odayaashii soo xukumay [Puntland] nin been sheegay kuma jirin; nin faanaana kuma jirin; nin khaladaadka suuqa lehna kuma jirin; nin-nin u gefaya nin-nin wax ka sheegaya kuma jiirn,” ayuu xusay.

Sooyaalka xun ee diiwaanka u galay xukuumadii Gaas waxaa kamid ah in ciidamo ka gadoodsan mushahar la’aan ay saacado xayireen dhaqdhaqaaqii garoonka diyaaradaha Garowe iyo Bangiga Dhexe, taasi oo aan horey u dhicin.

“In uu maanta buug, isaga intaasi markhaatiyaasheedi joogo oo dadkeedii sidaasi u joogo oo la dhaqan yahay oo in walba uu ku marqaati furayo waxa uu sameeyay, in uu wixii hore caayo in uu umado kale caayo…waligii qof abaal uma gelin; qofkasta oo abaal ugasha uu ku [caasiyo]; in uu ku kaarto baxo; si xumahiisa dad kale xumaan ugu tilmaamo, waa wax cajab ah waa garasho xumo, waana liidnimo. Dadka waa martqaati wuuna joogaa; nin walba waa la ogyahay wuxuu bi’iyey iyo waxa uu sameeyay…mustaqbalkana buugaas beenta ahna uu qoray, waxaan sidaasi ma ahaaneyso, warbixino badan baa la qorayaa, sidaas ma ahaaneyso….Buugaa beenta iyo faanka uu ku qoray ninkaas iyo raggaasi ka sharafta ee ahlu diinka ah,” ayuu daba dhigay.

Cabdiwali Gaas ayaa ku guuldareystay in uu fuliyo balamihii uu qaadey kahor iyo kadib doorashadiisa, waxaana kamid ah hirgelinta nidaamka xisbiyadda badan oo lacagihii loogu talogalay oo wax is-dabamarin ku sameeyay.

Horufadhi News.

SOMALI NEWS

To Top