WARARKA SOOMAALI

UK oo wadankeeda ka Caydhisay sadex iyo labaatan dublamaasiyiin rush ah..

 

Waxaa mudooyinkan dambe sii xumaanayey xiriirka u dhaxeeya uk iyo ruushka ,oo

Hadda maraya meeshii ugu xumad,ka dib markii ay Ingiriisku ku eedaysey ruushka dhawr fal oo aan haboonayn.

Kaas oo ay ugu dambeysey, nin ka tirsanaan jirey sirdoonka ruushka oo deganaa wadanka uk oo isaga iyo gabadh uu dhalay lagu eedeeyey  in ruushku ka dambeeyey sunmaynta labadan qof,oo loo istic maalay sun khatar ah oo neerfa wax yeelaysa.

Arintaas oo England kaga jawaabtey in ay wadankeeda ka caydhiso  sadex iyo labaatan dublamaasi oo rush ah(23) Kuwaas oo lagu war geliyey ama loo qabtay muddo todobaad ah in ay wadanka kaga baxaan, iyo in hoos loo dhigo xiriirka ka dhaxeeya labada dal.

Weli lama oga talaabada ruushka, in kasta oo siyaasiyiin ka hadlay oo rush ah aanay soo dhawayn talaabada London.

 

SOMALI NEWS

To Top